Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo oo ka tacsiyadeysay geerida Wariye Cawil Daahir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo argagixisadu Saaka qarax ku dileen.

Wasiir Geelle, ayaa naxariista  Janno Alle ugu baryay Wariye, Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii argagixisadu ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal.

The post XFS Oo oo ka tacsiyadeysay geerida Wariye Cawil Daahir appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this