Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas Oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha G/Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilka looga qaaday guddoomiyahaasi, iyadoona lagu magacabaay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir).

Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow) ayaa waxaa xilkaasi loo magacaabay 23 December sanadkii 2015-kii.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu isbedalo kala duwan ku hayay maamulkaasi.

The post Madaxweyne Gaas Oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha Mudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this