Deeq A. Posted December 22, 2018 Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha G/Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow). Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilka looga qaaday guddoomiyahaasi, iyadoona lagu magacabaay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir). Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow) ayaa waxaa xilkaasi loo magacaabay 23 December sanadkii 2015-kii. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu isbedalo kala duwan ku hayay maamulkaasi. The post Madaxweyne Gaas Oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha Mudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites