Deeq A. Posted December 22, 2018 Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegay in halkaasi khasaare uu ka dhashay, balase lama oga inta khasaaraha rasmiga ah uu la egyahay. Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga wada maqlay guud ahaan qaraxaasi, iyadoo halkaasi ay hadda gaareen gaadiidka gurmadka ah. Ciidamada ammaanka ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites