Deeq A. Posted December 22, 2018 Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ah shaqaalaha Universal Tv ayaa u dhintey Qaraxii Koowaad ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka magaalada Muqdisho ay sidoo kale ku dhinteen dad halkaasi ka dhawaa. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Maxamed Tuulax ayaa isna lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku dhaawacmay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites