Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aan ka soo baxay dowladda Suudaan Oo saameeyay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Khartuum ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba albaabada la’isugu laabo Jaamacadaha ku yaalla dalkaasi, kadib markii ay Wadankasi ka dhaceen Mudaharaadyo rabshado wata oo ay soo abaabuleen kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Xukuumadda Al-Bashiir.

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya qiimaha Maciishada dalkaasi oo sare u kacday,  waxaana illaa iyo hadda Dibadbaxyadaasi ku dhintay 8 ruux oo rayid ahaa.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Suudaan, kuwaas oo inta badan u jooga arrimo Waxbarasho.

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in saameyn xoogan uu ku yeeshay go’aankan, maadama dalkaasi ay u joogaan Waxbarasho.

Madaxweyne Al-Bashiir oo 74 jir ah ayaa xukunka dalkaasi ku qabsaday afgambi sanadkii 1989-kii, waxaana iminka dadka shacabka ah ay dalbanayaan in Kursiga uu baneeyo.

Mudaharaadyada haatan socda ayaa laga cabsi qabaa in dalkaasi ay galiyaan qal qal amni iyo mid siyaasadeed intba.

The post Go’aan ka soo baxay dowladda Suudaan Oo saameeyay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this