Deeq A. Posted December 22, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla agaarka xarunta Tiyaatarka ee M/ Muqdisho. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo khasaaraha uu geystay intaba. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib Rasaas xoogan laga maqlay halkaasi. Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa ku sii qul qulaya goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo daabulaya dadka ay waxyeeladu ka soo gaaray. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo xiray Waddada uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha:- The post Qarax xoogan Oo goor dhow ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites