Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin:-Qaraxyo khasaaro geystay Oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa waxa ay ka kala dhaceen agagaarka xarunta Tiyaatarka iyo nawaaxiga Taaladda Dal Jirka Daahsoon degmada Boomdheere ee gobolka Banaadir.

Qaraxa koowaad oo Ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay Barkoontarool oo ku taalla xarunta Tiyaartanka oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale qaraxa labaad oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Taallada Daljirka Daahsoon ee M/ Muqdisho

Ugu yaraan illaa 5 Qof ayaa ku dhintay qaraxyadan, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyay C/qaadir Cabdullahi Cali oo ka mid ah Darawallada Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambalaas.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa Wariyeyaasha Talevision-ka Universal iyo saddex Qof oo kale oo ka mid aheyd shaqaalaha Tv-gaasi.

Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda G/ Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxii 2 ee ka dhacay Taaladda Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxa koowaad isna dadka ku dhaawacmay uu ka mid yahay Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan(Joodax) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaasi.

The post Faah faahin:-Qaraxyo khasaaro geystay Oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this