Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Burundi ma codsi ayay kaga baxayaan Somalia mise Gacan bidxeyn lagu sameeyay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online)-Dowladda Burundi ayaa shaacisay inay dhimeyso tirada ciidamada ka joogo dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan qaarkood kahor bisha Febraayo ee sanadka soo socdo, sabab la xiriirta Codsi kaga yimid Midowga Africa.

Saraakiisha ma aysan shaacin codsigaasi wuxuu yahay, balse waxay sheegeen in laga doonaayo in askarta qaarkood ay dib ugu labtaan dalkooda, sida lagu sheegay qoraal uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada.

“Soomaaliya waxaa inaga joogo Ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu sheegay afayeen u hadlay ciidamada difaaca ee Burundi.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya la gacan bidxeeyo oo aysan lamid aheyn ciidamada kale ee ku sugan Soomaaliya, taasi oo dhalisay shaki badan.

Wuxuu sheegay in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogo la gacan bidixiyeey , isaga oo carabka ku dhuftay in qalabka ay ku howlgalaan uu yahay mid liita marka loo eego qalabka ciidamada kale ee AMISOM ay ku howlgalaan.

Waxaa meesha ka cad inay hadda oo la joogo waqtigii ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya iyo guud ahaan AMISOM laga yareyn lahaa Soomaaliya uu shaacinayo dhibaatooyinka heystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this