Deeq A. Posted December 22, 2018 Maxaas ( Sh. M. Network)-Faah Faahinno dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed saacadihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka degmada Maxaas ee G/Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid xoogan, una dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed ayaa ka dhacay meel 22 KM dhinaca waqooyi kaga beegan degmadaasi. Ugu yaraan 15 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka. Maxamed Cabdi Cawaale guddoomiyaha degmada Maxaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi. Guddoomiye Cawaale ayaa sheegay in dagaalkan uu Salka ku hayo arrimo la xariira dhul daaqsimeed iyo Aanooyin Qabiil oo u dhexeeya Beelahaasi. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Cawaale ayaa ku baaqay in la soo faragaliyo xiisadaasi Waxaana uu ka dalbaday dowladda dhexe, Galmudug HirShabelle iyo Odayaasha Dhaqanka in ay wax qabtaan colaadaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, inkastoo weli dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan goobihii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Hiiraan. The post Dagaal Beeleed khasaaro Geystay Oo ka dhacay G/Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites