Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan lagu taageeray Lafgareen oo lagu qabtay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Sh.M.Network) – Kulan lagu taageereeyay Madaxwaynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xoghayaha dowlada hoose ee maamulka degmada Afgooye, Cumar Farey, ayaa idaacada Shabelle fahfaahin ka siiyay ujeedada kulankaasi.

Farey ayaa shaaciyay inay kala hadli doonan Madaxwayne Laftagareen tabashooyinka ay qabaan dadka ku dhaqan degaanada hoos-yimaada gobolka Shabellaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

19-kii bishaan ayay ahayd markii Cabdicasiis Laftagareen uu kusoo baxay wareegii koowaad doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay ahna caasimada KMG maamulka Koonfur Galbeed.

The post Kulan lagu taageeray Lafgareen oo lagu qabtay Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this