Deeq A. Posted December 21, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Xiisad kacsanaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay tuulada Ceel-laheley ee gobolka Gaglgaduud. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, xiisadda ayaa ka dambeysay markii dil loogu geystay halkaasi qof kamid ah dadka degaanka, oo ay wada murneen ruux kale. Illo wareedyo kala duwan ayaa usheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda. Shaqsiga dilka geystay oo adeegsaday Toorey, kaasi oo goobta ka baxsaday ayaa lasoo warinayaa in lagu raad-joogo. Degaanka Ceel-lahalay oo hoos-yimaada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa waxaa gacanta ku haysa kooxda Al-Shabaab. The post Xiisad xooggan oo ka dhalatay dil ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites