Deeq A. Posted December 21, 2018 (SLT-Bosaaso)Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka barri. Saraakiisha ciidanka puntland ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xubnaha Al-Shabaab eek u lahaayeen Deegaanka Balli Khadar ee Gobalka Barri. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarka ay ku dileen Hal Askari, halka mid kalana ay dhaawaceen. Duleedka Boosaaso ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Ciidamada puntland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab Source Share this post Link to post Share on other sites