Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Sheegay Iney 10 Ka Dileen Al-shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska militariga Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay duqeyn ay u geysteen Alshabaab oo dhowaan ka dhacday qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose.

Wakaaladad Wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa qoraal ka soo baxay Africom ayaa sheegaysa in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose,taasi oo jawaab u ahayd isku dayo ay doonayeen Alshabaab in ay weerar ku soo maleegaan.

Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab,mana jiraan wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah.

in ka badn 40 jeer ayey sanadkan duqeeyeen Mareykanku meelo Al-shabaab ah, iyaga oo dilay in ka badan 200 oo qof.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this