Sign in to follow this  
Deeq A.

Kororka Kooxda Daacish ee Soomaaliya iyo Iclaaminta Dagaalka Al Shabaab (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Soomaaliya waxaa tan iyo sanadkii 2006 ka dhacay dagaalo xoogan, kadib aasaaskii midowgii Maxkamadaha Islaamka, waxaana dagaaladaasi ku dhintay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Maxkamadaha Islaamka waxaa ka dhashay ururada Xisbul Islaam iyo Al Shabaab, walow markii dambe Al Shabaab ay ku xoogeysatay deegaano badan oo gobolada dalka Soomaaliya ka tirsan.

Al Shabaab ayaa sameeyay dilal qorsheysan, kuwo gaadmo ah iyo qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, waxaana dad badan ay isweydiin jireen halka ay ka helaan dhaqaalaha iyo hubka ay ku dagaalamaan.

Sanadkii 2011 waxii ka dambeeyay markii Al Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho, waxaa sii yaraaday awooda Al Shabaab ee dalka, waxaana ay hadda ku sugan yihiin meelo kooban, maadaama laga saaray inta badan magaalooyinkii waaweynaa ee dalka.

Sidaasi oo ay tahayna ma dhamaan halista ka imaaneysay Al Shabaab, maxaa yeelay waxay ilaa iyo hadda u muuqday kuwo ka awood badan dowladda marka loo eego sida loo dhaqan geliyo amarada ay soo saaraan iyo canshuurta ay qaadaan.

Waxaa muuqata in hadda Al Shabaab ay ka dhex farcameen kooxda Daacish oo ka dagaalanta Syria iyo Iraq, kuwaasi oo ka halis badan Al Shabaab, sida ay ku doodaan khabiirada dhanka amaanka.

Awooda Daacish ee Soomaaliya ayaa hadda u muuqata inaysan buurneyn, laakiin waxaa soo ifbaxaya in xubno badan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay ku biirayaan dhankaasi, waxaana ugu badan ajaaniibta dalalka caalamka soo dirsadeen ee ka dhex dagaalama Soomaaliya.

Halista badan ee ka dhalan karta Kooxda Daacish ayaa ah inay dib u qabsan karaan magaalooyin hadda ka maqan gacantooda, waxaana 10-ka sano ee soo socda ay noqon karaan caqabad kale oo dhanka amaanka ah.

Dagaalka hadda ay iclaamiyeen Al Shabaab ee ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa dhibaato kale keenaya, waxaa ugu horeeya inay dhalinyaro badan oo u dagaalamaya labada dhinac ay ku dhiman doonaan, waxaa dhibaato kale ay soo gaari doonaan shacabka ku sugan goobaha lagu dagaamalayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku baraarugtay halista kooxda Daacish, waxaana wasiirada ay ka doodeen dhibaatada ka imaan karta iyo sida haboon ee looga hortagi karo inaysan ku faafin gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this