Deeq A. Posted December 21, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu soo digay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu xusay in sarkaalkaan uu uqaabilsanaa Shabaab dhinaca qaraxyadda gaar ahaan ku dejinta gawaarida. Taliska ma uusan soo bandhigin halka laga fuliyay howlgalka, magaca iyo sawirka xubinta la tibaaxay inay ka tirsaneed Shabaab. NISA ayaa intaas ku dartay in mudadii uu socday howlgalka aanu ka dhashay wax khasaaro ah oo soo gaarey shacab iyo ciidamada qaaday. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgalada qarsoodi ah oo ay kusoo qab-qabanayaan shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab. The post NISA oo sheegtay inay qabatay sarkaal Shabaab ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites