Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo qodob oo sabab u ah dagaalka Al Shabaab iclaamiyeen inay ka lagalayaan Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay warbixino maalmihii ugu dambeeyay kasoo kooxda Daacish ee ka dagaalanka Soomaaliya, waxaana ay shaaciyeen inay dagaal kula gali doonaan deegaanada gobolka Bari ee Puntland.

Al Shabaab ayaa shaaciyay in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu ka dhici doono buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen sababta ay ula dagaalamayaan Daacish inay tahay ka hor imaanshaha dagaalka ay iyaga ka wadaan Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay in kooxda Daacish ay Dhibaatooyin iyo Gaboodfalo ay ka waddo Soomaaliya gaar ahaan deeganaada Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Al Shabaab.

Labo qodob ayaa muuqata in iclaaminta dagaalka Al Shabaab ee ka dhanka ah Daacish uu salka ku hayo, waxaana bayaanka Al Shabaab aqriyay Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere.

Qodobka Koowaad ayaa ah “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.” sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab.

Qodobka Labaad ayaa ah in daacish ku eedeeyeen “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.”

Daacish ayaa maalmo ka hor baahisay sawiro iyo muuqaalo ay ku sheegeen in Al Shabaab saldhig ay ku lahaayeen Puntland ay weerareen ayna ka qabsadeen hub badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this