Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda DFS oo kulan ka yeeshay go’aankii G/Mursal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxda ugu sareysa ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku yeeshay Muqdisho.

Sida ay xogta ku heshay idaacadda Shabelle, kulankaan waxaa lagu lafaguray go’aankii uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ka qaatay Mooshinkii Madaxwaynaha.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Afhayeenka Aqalka Hoose, ayaa tibaaxay in gabi ahaanba uu jabay Hindisaha xilka qaadista Farmaajo.

Kulankii xalay waxaa kasoo qaybgalay Xilldhibaanada ku kala qaybsamay Mooshinka ee kala taageerayay Madaxwaynaha iyo Hindisaha, waxayna isla meel-dhigeen sidda loogu baahan yahay in howlaha dowlada usii socdaan.

9-kii bishaan December 2018, ayay ahayd markii uu Gudoomiye Mursal ku dhawaaqay inuu qabtay Mooshinka, taasi oo wadanka gelisay khal-khal siyaasadeed, oo haatan ay muuqato in laga gaarey xal.

The post Madaxda DFS oo kulan ka yeeshay go’aankii G/Mursal appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this