Deeq A. Posted December 21, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegtay in howlgal dhinaca cirka ah uu ka fuliyay tuulada Baladul Amin ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta dalka Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyay in duqaynta oo dhacday 19-kii bishaan December [Arbacadii] ay ku wehliyeen howlgalkaasi ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarka cirka oo ahaa labo ay ku dileen 11 kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab xili ay meesha ka saareen inay waxyeelo gaarsiisay duqaynta shacab. Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan ay kooxda Al-Shabaab kasoo saartay sheegagashadda Mareykanka. In ka badan 40 howlgal oo cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay sanadkaan gudaha Soomaaliya ayuu ku beegsaday xoogaga Al-Shabaab, inkasta oo duqaymahaasi qaarkood ay waxyeelaysay dad rayid ah. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites