Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Turkiga Oo Ka Hadlay Halista Kurdiyiinta Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Ankara) Wasiirka difaaca ee waddanka Turkiga Hulusi Akar ayaa digniin adag ku sheegay inay tallaabo militari ku qaadi doonaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ka dagaallamo waqooyiga Suuriya, maalin un kaddib markii madaxweynaha Mareykanka uu shaaca ka qaaday in ciidammadiisa uu kala baxayo dalka Suuriya.

3BA46A77-0B88-4019-AE1D-8086655E366A.jpe

Wakaaladda wararka ee dowladda ayaa kasoo xigatay wasiirka oo sheegayo in xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG ay ku xabaali doonaan godad ay qodeen marka la gaaro xilliggaasi.

Mareykanka ayaa taageeray kooxda YPG ee dagaalka kula jirto kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee ka dagaallanta Suuriya.

Turkiga ayaa ku tiriyaa kooxdaasi inay ka tirsan yihiin ururka Kurdiyiinta PKK ee laga mamnuucay dalkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan aqalka Sanete-ka Mareykanka ayaa cambaareeyay go’aanka Trump uu ku sheegay inuu ciidamadiisa ka joogo dalka Suuriya uu kasoo saarayo, waxayna ku tilmaameen tallaabo khalad ah oo halis ku ah amniga qaranka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this