Deeq A. Posted December 20, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu buray Hindisaha xilka qaadista ee ka dhanka ahaa Madaxwayne Farmaajo. War qoraal ah oo uu Gudoomiyuhu soo saarey ayuu ku tilmaamay in tani ay ka dambeysay markii uu wadahadal mirro dhal ah uu la galay Mudanayaasha soojeedinta keenay, kuwaasi oo gaarayey 92. 9-kii bishaan December ayay ahayd markii Sharcidejiyaasha ay sheegeen inay ka gudbiyeen Madaxwaynaha Mooshin xilka qaadis ah, taasi oo uu ka qabtay Gudoomiye Mursal, xili uu ku kala qaybsamay gudoonka Aqalka Hoose. Hoos ka akhriso warqadda The post Mooshinkii laga keenay Madaxwayne Farmaajo oo buray appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites