Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashax Siciid Dheere oo si weyn loogu soo dhoweyay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid kamid ah as’aasayaashii Puntland  haatanna u sharraxan doorashada madaxtinimada sannadka 2019,Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa Galabta si ballaaran loogu soo dhoweeyay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe.

Murashaxa oo ka soo kicitimay dalka Ethiopia  ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir waxaa ku soo dhoweeyay boqollaal shacab ah oo halkaasi ku sugayay mudda saacado ah,waxaana loo soo gudbiyay dhanka magaalada,isagoo kumannaan taageerayaashiisa kamid ah kula hadlay barwadda weyn ee caasumaddu ku caanka tahay.

Murashax oo khudbad kooban u jeediyay dadkii soo dhoweeyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay kumannaanka ruux ee tan iyo saaka qorraxda u taagnaa jecaylka iyo hilowga ay u qabaan hoggaamiyahan u soo halgamay difaaca shacabka.

Sarreeye Guud Siciid Dheere ayaa  sidoo kale sheegay in isu’ soo baxa iyo taageerada  ballaaran ee ay bulshadu isaga u hayaan  ay farriin cad u dirayso xildhibaannada cusub ee Puntland si ay uga jawaaban rabitaanka shacabka.

Soo dhoweyntiinu waxay muujinaysa farriin aad u diraysan,Baarlamanka lix iyo lixdanka ah,farriin aad u diraysan intii iska’ soo lugo’day ee meelaha timid,farriin aad u diraysan isimada Puntland,farriin aad u diraysan caaqillada Puntland,farriin aad u diraysan dhammaan dadweynaha reer Puntland in wax aad rabtan meel marto” ayuu yiri Siciid Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa murashax Siciid Dheere wuxuu ballan qaaday in haddii uu guulaysto Puntland laga arki doono isbeddel dhinac walb ah,waxaana uu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono amniga Puntland oo haatan meelaha qaar laga dayrinayo.

Murashax ayaa dadweynaha xasuusiyay dayacii iyo rafaadkii uu naftiisa u baday difaaca iyo ilaalinta nolosha shacabka Puntland tan iyo bilowgii halgankiisa ilaa uu dhisay Puntland-ta maanta lagu barwaaqoobay.

Geed walba wan soo seexday,Kudkude waa iga dhargay, shilin waa lamid,qorrax iyo qabow mid walba waan soo maray,rasaas sida hooska u dhacaysa waan soo maray,sidaasi awgeed, waan mudnahay in laygu abaal mariyo taas” ayuu raaciyay  halgamaa Siciid Dheere.

Ugu dambeyntii, murashax ayaa farriin u diray isimada dhaqanka iyo xildhibaannada cusub ee Puntland oo uu ugu baaqay in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka,islamarkaana ay badbaadiyan masiirka Puntland,una dooran shakhsi u shaqeynaya ee aan  ka shaqeysan.

IMG_2841.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_2848.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_2854.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_2856.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_2865.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_2883.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_2893.jpg?resize=640%2C427&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Murashax Siciid Dheere oo si weyn loogu soo dhoweyay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this