Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Guddoomiyaha Baarlamanka Soamlia ka yiri Mooshinkii laga keenay Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye_Mursal.jpg?resize=820%2C478&sMuqdisho (PP) ─ War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay inuu meesha ka baxay Mooshinkii 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha ayaa qodobo kala duwan u cuskaday in mooshinka uu buray, sida in 14 Xildhibaan ay ka dacwoodeen in aanay saxiixin mooshinka iyo in aanu dalku laheyn weli Maxkamad Dastuuri ah ee qaadi laheyd dacwada Madaxweynaha.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee keenay Mooshinka ay ka tanasuleen xaqoodii dastuuriga ahaa, iyagoo u turaya xaalada dalka uu ku jiro.

Dhanka kale, Arrintan ayaa kusoo beegmaysa , iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay ay wada hadalo hoose ah socdeen, lama oga illaa hada waxa lagu heshiiyay ama lagu bedeshay tanaasulka Mooshinka oo noqday mid dhabar jab xooggan ku aheyd Madaxweynaha.

AKHRISO: Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka DF;
Mooshinkii_Farmaajo_oo_buray_1.jpg?resiz Mooshinkii_Farmaajo_oo_buray_2.jpg?resiz

PUNTLAND POST

The post Muxuu Guddoomiyaha Baarlamanka Soamlia ka yiri Mooshinkii laga keenay Farmaajo? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this