Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso KFG

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashadii shalay ka dhacday dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu doortay madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed(Lafta Gareen).

Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiistii maanta ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed,islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka.

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,gaar ahaanna arrimaha doorashada,waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro tahay faragelinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo maal marida rabitaanka shacabka iyo sharciga dalka” ayaa qoraalka lagu yiri.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo shalay bogaadiyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta ka maqnaa shirka Golaha xukuumadda Puntland ee khamiislaha.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso KFG appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this