Juje Posted December 1, 2009 Haweeney ninkeeda toorey ku dishay maanta deegaanka Yaaqbiri-weyne ee gobolka Sh/hoose oo gacanta lagu dhigay, xabsigana loo taxaabay Ciidamada maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen haweeney lagu eedeeyey iney saaka ku dishay seygeeda deegaanka Yaaq biri weyne ee isla gobolka Sh/hoose. Haweeneydan ayaa la sheegay in barqanimadii maanta la keenay saldhiga degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose halkaasoo ay imika ku xiran tahay, waxaana saraakiisha ciidamada Xisbul Islaam ay sheegeen in dhowaan la soo taagi doono maxkamada shareecada islaamka laguna fulin doono waxa dembigeeda ay ka qabto shareecada Islaamka. Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cali Jaacuur ayaa saaka seygeeda ku dishay toorey ay wadnaha kaga dhufatay ka dib markii uu soo kala dhexgalay muran dhinaca arimaha qoyska ah, waxaana xukunkeeda uu noqon doonaa dil qisaas ah sida shareecada Islaamku ay qabto haddii qoyskeeda iyo qoyska uu ka soo jeedo ninka ay dishay aysan gaarin isfaham kale oo ah iney kala qaataan diyo. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sabriye amp co. Posted December 1, 2009 It must have been over 'maseer' which explains why they say "Jelousy is a female trait". Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xidigo Posted December 1, 2009 He probably deserved it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted December 1, 2009 i wonder what he has done to her? state of mind waa very important i hope his family except diyo, she should have proper counsel before they kill her Quote Share this post Link to post Share on other sites
-Lily- Posted December 1, 2009 I feel sorry for the kids. I'm sure she knew the consequences of stabbing someone to death. Quote Share this post Link to post Share on other sites