Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Koofur Galbeed oo Si Yaableh uga falceliyay Doorashadii Lafta Gareyn (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Shacabka deegaanada Koofur Galbeed ayaa si cajiib ah kaga jawaabay doorashadii madaxweynaha Koofur Galbeed iyo sida aysan ugu qanacsaneyn natiijada kasoo baxday doorashadii shalay.

Shacabka ayaa muujiyay sida ay u faarujinayaan magaalada Baydhabo mar haddii la doortay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, waxaana ay aheyd fal celin maad ah “Kaftan”.

Qaarkood ayaa isku soo sawiray iyagoo wata alaabadooda iskana dhigaya ineey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka qaxayaan Mar hadii la doortay shaqsi Aan ku imaan rabitaankooda, sida ay matalayeen.

Shacabka ayaa taageero buuxdo u hayay musharixiinta kale oo uu kamid ahaa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran magaalada Muqdisho.

IMG_20181220_100302.jpg IMG_20181220_100304.jpg IMG_20181220_100307.jpg IMG_20181220_100309.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this