Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Booliska Congo Iyo Taageerayaasha Mucaaradka Oo Isku Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Congo)-Booliiska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa sunta dadka kaga ilmaysiisa waxa uu ku kala kaxeeyay taageerayaasha mucaaradka ee dhagxaanta tuurayay, xilli lagu wado in dalkaasi ay doorasho ka dhacdo maalinta Axadda ah ee soo socota.

Goor sii horraysay ayaa barasaabka magaalada Kinshasa waxa uu magaalada ka mamnuucay dhammaan isu soo baxyada ololaha doorashada isagoo tilmaamay inay jirto cabsi dhanka ammaanka ah.

Madaxweyne Joseph Kabila ayaa lagu wadaa inuu xilka banneeyo, doorashadanna waxa ay noqonaysaa middii ugu horraysay in hoggaanka Koongo lagu badelo codbixin.

Qulqulatooyin ayaa dalkaasi ka dhacay xilliyadii awoodda la isku wareejinayay.

Booliiska oo isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa islamarkana xiraya musharaxa mucaaradka si ay uga hortagaan in uu qabto isu soo baxa ololaha doorashada ayaa ah walaac soo kordhay ka hor doorashada Axadda lagu wado in ay Congo ka dhacdo.

Caasimadda Kinshasa waxaa ku xooggan taageerayaasha mucaaradka islamarkana tallaabada uu qaaday barasaabka oo ah nin si aad ah ugu dhaw madaxwaynaha taasi oo uu kaga mamnuucayo in ay mucaaradka qabtaan isu soo bax ayaa ah mid ay caro ka dhalan karto.
Iyada oo ay xiisadda sii kordhayso ayaa walaaca jira waxa uu yahay ciidamada ammaanka Congo oo taariikh u leh in ay toogtaan dibadbaxayaasha mucaaradka.

Sanaddii aanu soo dhaafnay toboneeyo qof ayaa dibadbaxyo noocan oo kala ah lagu dilay.

Dhanka kale afhayeen u hadlay guddiga doorashada Congo ayaa BBC u sheegay in doorashada dib loo dhigi karo haddii qalabka doorashada uu diyaar noqon waayo waqtigi loogu talagalay.

Kumannan ah qalabka casriga ee dooarsahada aya toddobaadkii aanu soo dhaafnay burburay ka dib markii uu dab qabsaday xaruntii uu qalabka yaalay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this