Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Sanad guuradda 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Ciidankaasi.

“Aniggoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Ciidanka Xoogga dalka Waxaan Hambalyo  u dirayaa Sarreeyaasha , Saraakiisha, Saraakiil xiggeennada, Alifleyd iyo dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagaya Sanad guurrada 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga

Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Dalka.

Dhanka Kale Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna dhankiisa waxa uu hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

“Sanadguurada 75aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed awgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Booliska, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u rajeynayaa  inay horumar ku gaaraan Sanadkaan kiisa kale” ayuu yiri S/guuto Odowaa.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo kubeegan Maalinta Berri ah oo Taariikhdu tahay 20 December

S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.

The post Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this