Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo Xaaladaha deegaanada Maamulka K.Galbeed oo maanta ka dhacaya Magaalada Baydhabo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh.M.Network):-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo lagu qabto shir looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulankaan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa  la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Masuuliyiin kala duwan oo Madaxweynaha Cusub uu ka mid yahay.

Waxgaradka ayaana lagu wadaa in Madaxweynaha ay faah faahin ka siiyaan xaaladda deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona qeybaha magaaladaasi lagu arkayo Ciidamo la soo dhoobay.

Shalay doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

The post Shir looga hadlayo Xaaladaha deegaanada Maamulka K.Galbeed oo maanta ka dhacaya Magaalada Baydhabo. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this