Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali ka tirsan Daacish oo doonayay inuu qarxiyo Kaniisado oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Roma (Caasimada Online)-Ciidamada booliska ee dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo 20 sano jir ah, kaasi oo la sheegay inuu damacsanaa inuu qarxiyo kaniisado ku yaala bariga dalka Talyaaniga.

Taliska ciidamada booliska ayaa sheegay in ruuxaasi uu damacsanaa in qaraxyo waaweyn uu ku weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro oo u taala magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isaga oo la sheegay in xiliga ciida Karismaska (Christmas) uu doonayay inuu fuliyo weerarka.

Muxsin Ibrahim Omar oo loo yaqaan Anas Khalil ayaa la xiray kadib markii la helay cadeymo muujinayo inuu qorsheynayay weeraro ka dhan ah goobaha ay ku kulmayaan dadka maalintaasi ciidaya.

Mr Khaliil, ayaa la sheegay in lagu helay cadeymo muujinayo inuu aamisan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah.

Waxaa Laamaha amaanka ee baaritaanka waday ay sheegeen in muwaadinka Soomaaliyeed uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal Soomaaliya ay ku jirto.

“Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay  11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Talyaaniga
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this