Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax Dhameedka Somaliland Iyo Oromada Oo War-murtiyadeed Soo Wada Saaray.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)War murtiyeed goor dhawayd soo baxay ayaa la sheegay in laga soo saaray kulamo ay wada qaateen madax dhaqameedka somaliland iyo weftigii dhigooda ahaa ee ka socday qoomiyada oromada ee dalka Itoobiya.

D43703F7-029B-468C-9915-E962271B90FC.jpe

Warkan ayaa lagu sheegay in labada madax dhaqameed ee somaliland iyo Oromadu ay wada yeesheen kulamo kala duwan, iyada oo weftiga oromadu ay la kulmeen golaha guurtida somaliland iyo qaar ka mid ah ururada bulshada kuwaas oo falanqayn ku sameeyey qodobo ay ka mid ahaayeen deganaanshaha gobolka, amaanka, ganacsiga iyo dhaqanka.

3BCE84E8-61FD-4DF7-B2A1-12DC180F735C.jpe

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay kulan balaadhan ay madax dhaqameedka somaliland iyo dhigooda qoomiyada oromadu ay ku yeesheen Hargeysa kaas oo ay ka soo saareen qodobadan.

In la aas aaso kulamo dhaqan

oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo soomaliland.
Labada dhinacba waxay aqoonsadeen waxyaabo badan oo ay wadaagaan labada dal iyo baahida loo qabo inay si dhaw u wada shaqeeyaan si loola dagaalamo dhibaatooyinka ay ka mid yihiin fakhriga,dagaalada sokeeye, tahriibinta dadka iyo amni darada gobolka.
Labada dhinac waxay isku raaceen inay sii wadaan xidhiidhkooda taariikhiga ah iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya.
Labada dhinac waxay isku raaceen in la soo xoojiyo xidhiidhka labada dale e haatan jira.
Madax dhaqameedka somaliland waxay soo jeediyeen in dawlada Itoobiya iyo madaxdhaqameedka Oromadu ay si wada jir ah uga shaqeeyaan xalinta khilaafka u dhaxeeya oromada iyo somalida Itoobiya.
Madax dhaqameedka Oromadu waxay balanqaadeen in kulanka labaad lagu qabto wadanka Itoobiy

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this