Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xubnaha Somaliland Ee Shirkii Jabuuti Ka Qaybgalay Way Baryootamayeen”Faysal Cali Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay isbadalada ka socda wadamada Geeska Afrika.

7EF89E91-1145-40E3-BCE9-F68FBC9D7FAF.png

Gudoomiye Faysal oo maanta ka hadlayey munaasibad ay arday ku qalin jabinayeen oo ka dhacday Hargeysa ayaa soo bandhigay aragtida uu ka qabo xubnihii somaliland ku matalayey shirkii ka dhacay Djibouti ee lagaga hadlayey isbalada geeska.

Ugu horayn gudoomiye Faysal oo ka hadlaya xaalada geeska ee wakhtigan ayaa waxa uu yidhi “Geeska imika waxa ka socda isbadal weyn inkasta oo dadka wadaa oo madaxda wada aanu dhulkoodu ahayn mid dagan balse ay laablakac tahay, waana aragti soo socota oo maruun iman doontaa iyada oo

Geeska laga samayn doono federaal dabadeedna geeska oo dhan laysku furi doono waanu iman doonaa laakiin imika tan socotaa waxay u eeg tahay laablakac, walina saamayn weyn ayeynu ku leenahay hadaynu soomaali nahay, maantana soomaalida waad ogtihiin meesha ay joogtaba maaha dal wada hadal gali kara, mana aha dad midaysan.”
Gudoomiye Faysal ayaa ku baaqay in Somaliland iyo Djibouti ay ka digtoonaadaan arimaha ay ku hawlan tahay dawlada soomaaliya “Djibouti iyo somaliland-ba arintaas ay wadaan reer soomaaliya ee maamulka Muqdisho ee labada sanadood u hadheen waa inaynu aad u ilaalinaa oo soomaali ahaan arintaas iska jirnaa weeyaan.”

Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale ka hadlay shirkii lagu qabtay wadanka Djibouti eek u saabsanaa isbadalka geeska “Shir la yidhi aqoonyahanada shanta soomaaliyeed ayaa iskugu yimid ayaa socday, waana meelaha aynu ku iibin karno qadiyadeena, shirkaas imika Djibouti laga sameeyey hadaynu inagu dalkeena ku qabano oo aynu dadkeena tusno arinteena oo aynu si fiican u difaacno kana iibino soomaalida shanta geeska wada dagan ceeb inaguma aha.”

Ugu dambayn gudoomiye Faysal ayaa ka hadlay xubnihii somaliland ku matalayey shirkaasi “Shalay markay kuweenu hadlayeen way xishoonayeen, qadiyadahana lagama xishoodo, qaarna way baryootamayeen laakiin waxaanu leenahay waa meelaha aynu u baahanahay inaynu arinteena ka wadno.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this