Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabiley Horta Waa Abaalkaa Haddii Durbaanka Laguugu Yeedhay Muuse Biixina Waa Sidaan U Filayay Haduu Madaxweynayaasha Kilalada Lakulmayo Oo Raysal-Wasaarihii Iska Fogeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan Inbadan ka hadli jirey in Siyaasadda Arimaha Dibadda Somaliland Naaqustey oo Boqolkiiba Boqol hoos u dhacdey Mudada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Taladda Dalka Gacanta ku Qabatey Xaqiiqdiina Waxaa lamid ah oo aan Ka Duwaneyn Siyaasada Arimaha Guddaha oo bilaw ilaa dhamaad fashilan, Waxaase Layaab leh in Maanta Layidhaa Labada Madaxweyne ee Kililada Soomaalida iyo Oromada ayuu Wajaale Kila Kulmayaa Taasi iyo Mid lamid ahba Waa laga filayey.

00CD84EA-B3B3-42B7-9B62-C786B25F809A.png

Xukuumadihii hore ee talada dalkan Soo Qabtey Waxa ay had iyo jeer ka Duuli jireen in Siyaasiyiinta iyo haldoorka Waayo Araga Siyaasadeed ah Bulsho kasta ku matelo Meeqaamkeedda, taas oo ay muqadas tahey

in aan laga Talaabsan karin islamarkaana, ay Xaaraan Tahey in Hormuud iyo Horjoogayaal iyo Looga Dhigo Dhalinyaro aan Waayo arag aheyn oo Dhalashadeedu ka badneyn Sagaashankii iyo Wakhtiyo ku Dhaw Sida uu hadda Gabiley ula Macaamilo Madaxweyne Muuse Biixi ee uu Daadafeeyay Haldoorjii iyo Raggii Mudakarka ahaa Safka hore ee Xukuumadiisana Soo dhigtey Dhalinyartaa aan Xogogaalka aheyn ee dhashey 1990kii iyo intii ka Dambaysay oo aan Xog-ogaal aheyn Taas oo aanu marnaba kula Dhici karin Guud ahaanba Dalka Somaliland itiisa kale, Waxaanan Leeyahey Gabilayay Horta Waa Abaalkaa Hadimada Ku Gaadhiyo Waxaad Hawl La kulantee Maka Heestay Ceel-Dheer Caruuri Kuu Talisey Waa Badheedh Laguugu Badheedhaye Laakiin inta aad Moogantihiin ka Aqbala Fariinta la idiinku Soo Dhiibay ee ah Soo Qaata Durbaanadda.

Hadaan Gees kale ka eego, intii ka Dambeysay Doorashadiisii Markii Madaxweyne Biixi kasoo gurya Noqdey Xaflad uu Kaga Qeyb Galey Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorame Waxa uu Habeen ku dhaxey Magaalada Gabiley,Kadibna Subaxdii ayay Reer Gabiley Ugudbiyeen Mashruucyo ay uga baahan yihiin in uu Mustaqbalka Wax uga Qabto, intaasi markii ay Dhacdey wuu Ku qosley Muuse Waxaanu Si dadban u Tusey in ay aaney War isku hayn Isaga iyo Reer Gabiley ee ay Is dhaafsan yihiin Sababtoo, ah Reer Gabiley Waxa au u haystaan in ay Taageereen Muuse Biixi Si hagar la.aan ah oo ay Gar iyo Gardaraba Waxa ay Xaq ugu leeyihiin aanu kala masuugaynin Isaguna Waa Muuse.e Waxaa Nin u og oo Taa Xisaabsanaya Ma aha Waanu ka Xanaaqaa Cid kasta oo Xadhigaa uga garaacda Jawaabtii kaga Soo noqotey madaxaa ka Xanuunay Intii la Kulantey oo Dhalinyar lasoo Xuley u badnaa ilayn Haldoor maba ogola iyo Cid Mudakar ahe Wixii uu U Sheegay Soo Qaad maleh Waxase Taariikhda u Galeysa Gabiley iyo Dadkeeda Maanta Fariintaa uu Caruurta ugu Soo Dhiibay ee ah Durbaanadda Soo Qaata Sacabka iyo Soo Dhweyntana Xoojiya, Wixii intaa Dheerna Bari Weynu kala Warqaadan Hadii Alle Yidhaa.

NAJIIB ISMAACIIL MAXAMED
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this