Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Shirkii Jabuuti Iyo Meehanaabkii Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Shirkii Jabuuti Iyo Meehanaabkii Soomaaliya

Waxaa afartii cisho ee ina soo dhaafay ka socday Jabuuti shir “forum” lagaga doodayey xidhiidhka mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo ahaa mid aan dawladaha laba dal shuqul ku lahayn, balse ka soo curtamey aqoonyahanadda iyo asxaabta waxbarashadda ayaa ahaa mid aad iyo aad us xiiso badan.

Dhinaca Somaliland waxaa qayb weyn ka qaatay Dr. Bulxan iyo Maxamed Biixi Yoonis, iyo akhyaar farabadan.

Haddaba dhowr arrimood baa ka soo baxay doodaa, waxay kale yihiin,

1. Walaaleheen Soomaaliya waxaa weli haya xumaddii ama jibadii Somaliland haysay 1960. Somaliland xumaddaasi berri hore ayey ka jabtay, soona noqon mayso.

2. Walaaleheen Soomaaliya waxaa ku qufulun wax la yidhaahdo “system” ama federaal ha noqdo, ama 4:5, ha noqdo. Waxaan leenayahay, idinku “system”kiina haysta, Somalilandna keeda.

3. Walaaleheen Soomaaliya waxay la yaacayaan xildhibaano la yidhi Somaliland bay ka yimaadeen? Horta yaa doortay xildhibaanadan? Kuwii aanu dooranay ayaa nagu raagay oo la doonayaa in la soo hurgufo. Dadka dollarka u doontay Xamar, Somaliland iyo dadkooda ma matalaan.

4. Walaaleheen Soomaaliya, waxay ku soo celceliyaan, “Somaliland citiraaf weli may helin”. Somaliland iyaad is citiraaftay, haddii aanu weli jirin “de-jure”, waxaa jira “de-facto”. Nabad, horumar iyo dimuqraadinimmo bay Somaliland haysaa. Citiraafkuna wuu iman.

5. Walaaleheen Soomaliya waxay weli wadaan “Shantii Soomaliyeed”. Dee Soomaali waa la wada yahay, Jabuuti waa Soomaali, Killinka Shanaad waa Soomaali, Waqooyi Galbeekda Kiiniya waa Soomaali, Somalilandna waa Soomaali. Lakiin riyaadaasu socotay oo, soo noqon may so. Waa in la aqbalaa runta maanta taala. Somaliland wa dal xor ah oo madaxbanaan.

6. Walaaleheen Soomaaliya waxay weli wadaan “Somaliland waxaa ku dhex jira beelo aan la socon qadyadda gooni isu taag”. Somaliland waxay qabatay cod, 90% + waxay door bideen, madaxbanaani iyo gooni isu taag. Haddii maanta la qabto mid kalena, intaa in leeg uun baa soo baxaysa. Haday leeyihiin Soomaaliya waa laga soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland. Dee arrintu waxay u taalaa dadka Somaliland.

7. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin dadkaa laka qaybinayaa. Waxaan leenahay, Somaliland cidna kuuma diidana, kaalay oo ka shaqayso, iska soo dag, soo booqo, lakiinse, mid uun ogaw, waa dal sharci iyo shuruud leh. Haddii aad intaa aqbalasid, soo dhawoow.

8. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin “Soomaali ma kala maaranto”, waa dhab, oo weligeed xidhiidh dhaqan, dhaqaale iyo bulsho wuu jiri doonaa. Lakiin mid siyaasadeed ma jiri doona. Waxaa meeshaa ina dhigay, ee bur-bur, iyo halaag iyo bara’kac iyo xasuuqba keenay, waa siyaasad. Lagu heshiin waa, laguma heshiin doona, ha la kale socdo.

9. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin “Qadyadda Soomaaliya waa muqadas”, Somaliland waxay leedahay, qadyadda Somaliland waa muqadas. Soddon sannadood ba ka soo wareegay, Soomaaliyana waa taa weli isku yaacsan. Maxaa faa’ido ugu jiray Somaliland xidhiidh siyaasadeed oo kale?. Waa waxba.

10. Somaliland waxay ku leedahay walaaladood Soomaaliya, ha la isu duceeyo, ha la isu dulqaato, hanna la kala socdo. Taariikhbaa la wada wadaagaa, wixii la doonayey 1960kii iyo waxa maanta jooga waxaa u dhexeeya faraq weyn oo aan la kabi karin. Maanta waxaa joogta ummad ku qaangaadhay laba dal oo madaxbanaan oo deris ah. Aabayasheen iyo awoowoyasheen way ku fashilmeen “Soomali-weyn”, wixii inaga soo marayna iyagaa ka masuul ah. Yaan khaladkaa mar labaad lagu dhicin. Taarikhda cashar baa laga qaataa.

Allaa Mahad Leh

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this