Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ka hadashay doorashadii ka dhacday Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Sh.M.Network) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashadii maanta ka dhacday magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, oo goobjoog ka ahaa madasha ay doorashadu ka dhacday ayaa soo dhaweeyay.

Sabriye ayaa ku nuux-nuux saday in coddeynta oo uu ku guuleystay Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ay ahayd “mid xor oo xalaal ah”.

Lafta-gareen, oo horey uga soo noqday dowladda Federaalka hadda jirta iyo kuwii kasii horeeyay Wasiir iyo Xildhibaan, ayaa noqonaya Madaxwaynihii 2aad ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Arrimaha Gudaha

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Wasiirka-Arrimaha-Gudaha.mp3

The post DFS oo ka hadashay doorashadii ka dhacday Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this