Deeq A. Posted December 19, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhashay Bam-gacmeed oo ka dhacay Aargada xaafadda Jaamacadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Sidda ay kusoo waramayaa Goobjoogayaal, meesha ay wax ka dhaceen waxaa ka agdhawaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkastoo aanan la soo warin hadii ay waxyeelo kasoo gaartay. Balse, afar ruux oo shacab ah – Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay oo goobta ku lahaa ganacsi, iyo qof kale oo Haweenay ah oo wadada mareysay – ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen Qaraxa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa gurmad ufidiyay dadkani, kuwaasi oo loola caray xarumaha caafimaadka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo. The post Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites