Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Wasaarada Haweenka Puntland oo daah-furtay buugga waxqabadka carruurta

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuggan oo ahaa mid lagu soo bandhigayay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta iyo  halka ay hiigsanayso 5 sano ee soo socota ayaa maanta wasaaradda Haweenka Puntland ka daah-furtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Buugga ayaa waxaa soo diyaarisay,islamarkaana qoristiisa iyo isku’ dubbaridkiisa la hayd wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo kaashanaysa hay’adda Safe The Children.

Munaasabadda lagu daah-furayay buuggan cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay marwada madaxweynaha dowladda Puntland ,wasiirro ka tirsan xukuumadda Puntland,saraakiil ka socotay  hay’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka oo ay kamid tahay Safe The Children, iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Haweenka Mrs Maryan Axmed Cali oo ugu horrayn faahfaahisay buugan cusub ayaa sheegtay in uu ka koobanyahay 8 cutub oo uu ku diyaarsanyahay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta,waxaana ay u mahadcelisay hay’adda Safe The Children oo wasaaradda gacan ka siisay qorista buuggan.

Dhinaca kale wasiirka waxbarashada Puntland,Abshir Yuusuf Ciise oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa si mugleh u soo dhoweeyay buuggan lagu diyaariyay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta oo uu ku tilmaamay mid dhaxal-gal ah.

Sarkaal ka socday hay’adda Safe The Children,Cabdullaahi Muuse ayaa sheegay  in hay’addiisu mar walba ay dowladda Puntland kala shaqeynayso horumarinta nolosha carruurta,wuxuuna hoosta ka xarriiqay in buuggan mudnaan gaar ah siinayo xaaladda carruurta Puntland ee dhinacyada waxbarashada,kobcinta garaadka iyo daryeelkoodaba.

Ugu dambeyntii, marwada madaxweynaha Drs Hodan Siciid Ciise oo u qareenta xuquuqda dadka nugulka ah gaar ahaanna carruurta ayaa wasaaradda Haweenka ku bogaadisay dadaalka ay ugu jirto daryeelka carruurta iyo ka war-haynta xaaladahooda gaarka ah.

Sidoo kale marwada ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay buuggan cusub ee uu ku diyaarsanyahay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta oo wax badan ka iftiiminaya xaaladda carruurta heerka noloshooda.

IMG_1936-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1944.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1951.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1954.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1956.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1962.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1965.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1969.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1971.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1972.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1976.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2070.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2073.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2083.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2084.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2091.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2095.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2098.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2106.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2117.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2125.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2130.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2132.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2135.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2140.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_2141.jpg?resize=640%2C359&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Wasaarada Haweenka Puntland oo daah-furtay buugga waxqabadka carruurta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this