Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Maxamud Mashruuc oo Qado Sharaf u sameeyay Wafdi uu hogaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Barlamanka Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta qado-sharafeed xarunta Dalxiiska ee Hidda Raac Garowe ugu sameeyay Wafdi uu hogaaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Wafdigan ayaa dhawaan soo gaaray caasimadda Garowe iyagoo kasoo kicitimey magaalada Boosaaso, waxaana ujeedkoodu ahaa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha doorashada Puntland.

Senator Maxamuud Mashruuc ayaa Qado kadib u mahadceliyay wafdiga isagoo tilmaamay in Duubka dhaqanku qayb muhiim ah kaga jiraan jiritaanka Puntland.

Marka hore waan idiin ka mahadcelinayaa sida sharafta iyo qadarinta leh ee aad uga soo qaybgasheen munaasabaddan kooban oo aan ku sharfaynay hogaankeena Dhaqanka oo runtii Safar kusoo gaaray caasimadda Puntland ee Garowe, “ ayuu yiri Senator Mashruuc.

Wuxuu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay doorka hogaanka dhaqanka, isagoo xusay in Beeldaajuhu matalayo bulsho door muhiim ah kasoo qaatay aas-aaska Puntland.

Mashruuc ayaa sidoo kale Beeldaajaha uga mahadceliyay kaalintii uu ku lahaa Gogoshii nabadeynta Qardho iyo middii lagu dhex-dhexaadinayay Beelihii ku dagaallamey deegaanka Dhumey ee gobolka Sool.

Dhinaca kale Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, ayaa Senatorka uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo qado-sharafta uu u sameeyay, wuxuuna ALLE uga baryay guud ahaan shacabka Puntland in si guul ah uu

dhammeeyo xaaladda kala guur ah ee lagu jiro.

Beeldaajaha ayaa safarkiisa Garowe ka hor ka yimid magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo door muhiim ah kasoo qaatay nabadayntii la dhex-dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanka Dhumey ee gobolka Sool.

Sidoo kale Beeldaajaha ayaa haatan u jooga Garowe arrimaha Doorashada la filayo inay dhacdo 8 Janaayo ee sannadka 2019.

IMG_7903.jpg?resize=800%2C533&ssl=1 IMG_7911.jpg?resize=800%2C533&ssl=1  IMG_7924.jpg?resize=800%2C533&ssl=1 IMG_7928.jpg?resize=800%2C437&ssl=1 IMG_7939.jpg?resize=800%2C533&ssl=1 IMG_7942.jpg?resize=800%2C533&ssl=1
IMG_7978.jpg?resize=800%2C533&ssl=1 IMG_7983.jpg?resize=749%2C600&ssl=1 IMG_7989.jpg?resize=800%2C533&ssl=1IMG_7948.jpg?resize=800%2C554&ssl=1 IMG_7957.jpg?resize=800%2C464&ssl=1 IMG_7958.jpg?resize=800%2C469&ssl=1 IMG_7962.jpg?resize=800%2C533&ssl=1 IMG_7964.jpg?resize=800%2C533&ssl=1 IMG_7978.jpg?resize=800%2C533&ssl=1   IMG_8565.jpg?resize=800%2C533&ssl=1
PUNTLAND POST

The post Senator Maxamud Mashruuc oo Qado Sharaf u sameeyay Wafdi uu hogaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this