Deeq A. Posted December 19, 2018 Afgooye ( Sh. M. Network )-Faah faaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Bangarafta Soomaaliya oo ku sii jeeday deegaanka Balidoogle ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidamadaasi, walow aysan cayimin inta uu la’egyahay. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay warkan ku sheegeen in mid ka mid ahaa Gawaaridii ay wateen Ciidamadaasi uu ka dhacay Kanaal Biyood mara halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobolka Shabeeha Hoose. The post Al Shabaab iyo Ciidanka DFS Oo ku dagaalamay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites