Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda Oo taliye cusub u soo magacawday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala ( Sh. M. Network )-Michael Kabango oo ahaa taliyihii qeybta shanaad ee Ciidamada Xoogga dalka Ugand ayaa loo soo magacaabay taliyaha cusub Ciidanka Uganda ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Taliye Kabango ayaa bedalaya Paul Lokech oo haatan ah taliyaha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya.

Afhayeenka Milatariga Uganda Richard Karemire ayaa u xaqiijiiyay Wargeyska Daily Monitor is bedalka lagu sameeyay hoggaanka Ciidanka Uganad ee Soomaaliya.

“Mr Kabango ayaa bishan loo magacaabay taliyaha Ciidamada Uganda”. ayuu yiri Afhayeenka Milatariga dlakaasi Richard Karemire.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in uu yahay taliye howlkar ah oo ka soo bixi kara howlaha loo igmaday.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo u soo dira Soomaaliya, waxaana dalka ka jooga Ciidamo gaaraya 6000 oo Askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

The post Uganda Oo taliye cusub u soo magacawday Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this