Deeq A. Posted December 19, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Netwk )-Xildhibaan Axmed Macalin Nadiir oo ka mid Mudanayaasha Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo arrimaha bulshada ee Golahaasi ayaa soo dhaweeyay doorashada, hambalyana u diray Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Senotor Nadiir ayaa xusay in uu bogaadinayo tallaabada ay qaadeen Xildhibaanada maamulkaasi, kuna doorteen Madaxweyne Lafta Gareen. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha cusub uu yahay mid wax ka bedali kara xaaladda K/ Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Ugu dambeyn Senotor Axmed Macalin Nadiir ayaa ugu baaqay shacabka iyo Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi. C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta noqday Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. The post Senator Nadiir Oo soo dhaweeyay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites