Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Nadiir Oo soo dhaweeyay doorashada K/ Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Netwk )-Xildhibaan Axmed Macalin Nadiir oo ka mid Mudanayaasha Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo arrimaha bulshada ee Golahaasi ayaa soo dhaweeyay doorashada, hambalyana u diray Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Senotor Nadiir ayaa xusay in uu bogaadinayo tallaabada ay qaadeen Xildhibaanada maamulkaasi, kuna doorteen Madaxweyne Lafta Gareen.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha cusub uu yahay mid wax ka bedali kara xaaladda K/ Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

Ugu dambeyn Senotor Axmed Macalin Nadiir ayaa ugu baaqay shacabka iyo Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta noqday Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

The post Senator Nadiir Oo soo dhaweeyay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this