Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka bilaabatay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baydhabo ka bilaabatay codeynta xildhibaanada Koofur Galbeed ay ku dooranayaan madaxweynaha Koofur Galbeed oo ay ku tartamayaan shan musharax.

Xildhibaanada ku sugan goobta cod bixinta ayaa gaaraya 147 Xildhibaan, waxaana tirada guud ee xildhibaanada Koofur Galbeed ay gaarayaan 149 xildhibaan.

Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa noqonaya dadka ugu horeeya ee codadkooda dhiibto.

Xubnaha Guddiga doorashada ayaa ku xigsanaya, waxaana guddiga ay shaaciyeen in Afarta musharax ee ugu codka badan ay u gudbi doonaan wareega ugu dambeeya ee doorashada.

Kadibna waxaa isku soo hari doono labada musharax ee ugu cod badiya, waxaana ay ku kala bixi doonaan cod Hal dheeri ah, haddii aysan dhicin xubno ka tanaasula ka qeyb galka wareega ugu dambeeya.

Haddii Musharixiinta ay isku cod noqdaan waxaa la sheegay inay markale Tartami doonaan oo wareega ugu dambeeya ay u gudbi doonaan.

Shanta Musharax ee Tartamaya ayaa kala ah:-

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen.
2-Siid Axmed sheekh Daahir
3-Xuseen Cusmaan Xuseen
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor
5-Ibrahim Macalin Nuurow.

La soco Doorashada Koofur Galbeed Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this