Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax loo diiday inuu Taageerayaashiisha kula hadlay goob ay ku kulmayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay hor istaageen musharax doonayay inuu taageerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe.

Musharax C/Samad Maxamed Galan ayaa laga hor istaagay inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe.

Wariyaasha magaalada Garowe ku sugan ayaa sheegaya in musharaxa uu doonayay maanta inuu taagerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe, waxaana hor istaagay laamaha amaanka.

Lama oga sababta Musharaxa loogu diiday inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe, iyadoo ay socoto qaban qaabada iyo ololaha doorashada Puntland.

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Gallan iyo Madaxweyne Gaas ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimadaa@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this