Sign in to follow this  
Deeq A.

Cod bixinta xildhibaanada oo soo idlaatay iyo Tirinta codadka oo bilaabaneyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa goordhow soo idlaatay bixinta codadka xildhibaanada Koofur Galbeed oo dooranaya mid kamid ah Shan musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa gaaraya 147 Xildhibaan, waxaana dhamaantood ay mareen sharuudaha bixinta codadka ay ku doonarayaan musharaxa madaxweynaha Koofur Galbeed hogaamin doono afarta sano ee soo socoto.

Xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa goobjoog ka ah doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Goordhow ayaa la filayaa in la bilaabo tirinka codadka xildhibaanada ay dhiibteen, waxaana kadib la shaacin doonaa codadka la kala helay.

Toos ula soco doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this