Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirinta Codadka Doorashada Koofur Galbeed oo bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa bilaabay tirinta codadka xildhibaanada baalamaanka ay dhiibteen, waxaana tirinta kadib la shaacin doonaa codadka ay kala heleen musharixiinta Tartameysa.

Guddiga ayaa uga digay xildhibaanada ilaa natiijada ugu dambeyso laga gaaro inaysan dhici karin wax mashxarad iyo Sacab ah.

C/Casiis Lafta Gareen ayaa ah ruuxa aadka loogu saadaalinayo Doorashada hadda ka socoto magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada ayaa markale codeyn doono haddii aysan dhicin Tanaasulaad ay sameeyaan musharixiinta usoo baxa wareega ugu dambeeya ee doorashada.

La soco arrimaha doorashada Koofur Galbeed.

Caasimada online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this