Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Ka Socda Gobolka Shabellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Sida ay goob joogayaal soo sheegayaan, dagaalkan waxaa deegaankaasi ku qaaden ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi ku sugnaa dagaalyahannada Al-shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in diyaarado dagaal lagu arkayo nawaaxiga deegaanka uu dagaalkan ka socdo.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo dowladda federaalka ahna aanay wax war ah kasoo saarin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this