Deeq A. Posted December 19, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Baay si rasmi ah uga bilowday doorashada Madaxweynaha K/ GaLbeed Soomaaliya. Illaa iyo shan Musharrax ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo kala ah:- Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen, Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow, iyo Danjire Seyid Axmed Sheekh Daahir. Goobta ay doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan mas’uuliyiin kala duwan iyo wafdi kor joogto ah oo saaka dowladda Soomaaliya u dirtay K/ Galbeed. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska Soomaaliya lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Radisoshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Doorashada K/ Galbeed Oo ka bilaatay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites