Deeq A. Posted December 19, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada maamulka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow doortay Madaxweyne cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 5 Musharrax, iyadoona lagu kala baxay isla wareegii koowaad ee Doorashadaasi C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa ku guuleystay doorashadan, kaas oo helay 101 Cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha cusub oo la dhaariyay doorashada kadib ayaa hoggaamin doona maamulkaasi Afarta sano ee soo socota. The post Lafa Gareen Oo ku guuleystay doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites