Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Shabelle ayaa ka horyimid xilka qaadis la sheegay in ay ku sameysay Jubbaland.

Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland aysan awood u laheyn xilka qaadistiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu intaasi ku daray in madaxda maamulkaasi, gaar ahaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa aysan imaan karin gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo dhawaan Jubbaland ay xilka ka qaaday ayaa lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkaasi oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan guddoomiyaha degmada Baardheere uu ka horyimid wareegto xilka looga qaaay oo ka soo baxday madaxda Jubbaland, taas oo keentay khilaaf dhinaca maamulka ah oo weli ka taagan degmadaasi.

The post Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this